Dowladda Nigeria ayaa Ciidamo Boolis ah waxaa ay usoo dirtay Soomaaliya ,kuwaa soo ka qeyb ah howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.
Ciidamadaan Booliska ah oo badeli doona ciidamo horay u joogay Soomaaliya ayaa shaqooyin ay ka qaban doonaan waxaa ka mid ah tababarida iyo sidoo kale la shaqeynta ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Saraakiisha ciidanka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa ka codsaday ciidan cusub in ay si wanaagsan ula shaqeeyaan ciidanka booliska Soomaaliyeed , islamarkaana ay ilaaliyaan dhaqanka iyo sidoo kale amniga dadka Soomaaliyeed.
Ciidankaan ayaa Soomaaliya waxa ay joogi doonaan muddo hal sano ah , waxaana hal sano ka dib ay dib ugu laaban doonaan dalkooda ayadoona lagu soo badali doono dufcad kale.
Dowladda Nigeria ayaa ka mid ah dowladaha ka qeyb qaata howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM , waxaana ay Soomaaliya ay u soo dirtay ilaa 6 dufcadood oo boolis ah.


