Xukuumadda Poland ayaa soo dhaweysay kumanaan Askari oo u dhashay dalka Mareykanka ,kuwaa soo gaaray qeybo ka mid ah dalka Poland.
Ciidankaan ayaa waxaa ay qeyb ka noqon doonaan howlgalka NATO.
Ciidamadaan ayaa wadata qalab milatari oo aad u balaaran , waxaana ay xoojin doonaan howlgalka NATO ee dalalka Bariga Yurub.
Wasiirka difaaca dalka Poland ayaa sheegay in ay tahay wax lagu farxo in ciidamo intaas la eg in ay soo gaaraan dalka Poland.
Dowladda Mareykanka ayaa doonaysa in ay xoojiso howlgalka NATO.




