Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga dacwada loo heystay Xasan Xanafi Xaaji, kaasoo ku eedeysnaa inuu maleegay dilal loo geystay Wariyeyaal.
Xasan Xanafi ayaa xafiiska Xeer Ilaalinta uu ku soo eedeeyay dilka iyo ku lahaanshaha Marxuumiintan kala ah:-
Mahad Axmed Cilmi,Cali Iimaan Sharmaake,Saciid Tahliil Axmed, Muqtaar Maxamed Hiraabe, Sheekh Nuur Abkeey
Maxkamada ayaa la hor keenay marqaatiyaal kuwaas oo dhamaantood ku marag fureen Xasan Xanafi inuu ahaa Sarkaal ka tirsan Al-habaab oo dilalka iyo shirqoolada wariyeyaasha u qaabilsanaa.
Maxkamada ayaa ku xukuntay Xasan Xanafi dil toogasho ah, Guddoomiyaha Maxkamadda Daraja 1aad ee Ciidanka Qalabka sida Xasan Cali Nuur Shuute, ayaa ku dhawaaqay Xukunka waxana uu sheegay gaba gabadii in Ciddii aan ku qanacsaneyn Xukunka Xanafi ay u furantahay in Racfaan ay ka qaadato.


