DHAGEYSO: Taliye C/waaxid Cabdulle oo ka hor yimid shaqo joojin lagu sameeyay

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Gaashaanle Sare C/waaxid Cabdulle Warsame,ayaa ka soo horjeestay shaqo joojin ay ku sameeyeen Guddiga amniga Gobolka Mudug ee Puntland.

Taliye Warsame ayaa ku eedeeyay xubno ka mid ah Guddiga iyo Golaha wasiirada Puntland oo qaarkood jooga Gaalkacyo in ay ka shaqeynayaan colaadda Gaalkacyo,islamarkaana isaga oo diiday in uu qaato amar ay siiyeen.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Puntland uu amray in uu fasaxo Gawaari ku xayirnaa Waqooyiga Gaalkacyo uu isaga fasax Guddigana ay taas darteed xilka uga qaadeen.

Wasiirada qaar ee Puntland ayaa wuxuu ku eedeeyay inaysan dooneyn Nabadda Magaalada Gaalkacyo, iyaga oo doonaya ayuu yiri Nabad darada Gaalkacyo.

Gaashaanlle Sare C/waaxid,waxaa uu sheegay in Guddiga amniga Mudug aysan awood u lahayn in ay isaga xilka ka qaadaan islamarkaana uu Madaxweynaha u magacaabay ka qaadi karo kaliya.