DHAGEYSO: Farmaajo oo fariin u diray Musharaxiinta

Ra’iisulwasaarihii hore Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Siyaasiyiinta Musharaxiinta ah looga baahan yahay in ay shacabkood u muujiyaan kalsooni.

Maxamed Cabulaahi Maxamed ayaa ugu baaqay Siyaasiyiinta doonaya in ay qabtaan xilka Madaxtinimada Soomaaliya in aysan dalal shisheeye u raadsan dhaqaalo .

Waxaa uu sheegay in looga baahan yahay Musharaxiinta in ay taageero ay u fidiyaan shacabkooda.

Taageerada shacabka ayuu sheegay in ay muhiim u tahay dadka doonaya in ay noqdaan Madaxweynaha Soomaaliya.