Waxaa maanta magaalada muqdisho ka dhacay Munaasabad aad u ballaaran oo lagu xusayay sanadguurada 73-aad ee ka soo wareegtay aas aaskii ciidanka booliska Soomaaliyeed.
Munaasabada ayaa waxaa ka qeybgalay Masuuliyiin badan oo ka tirsan Dowlada oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Xasan Sheekh Maxamuud, Wasiiro, Xildhibaano, Taliyayaal Ciidan iyo Saraakiil ka kala tirsanaa Hay’adaha amaanka dalka.
Munaasabada ayaa waxaa Khudbado kala duwan ka jeediyay Madaxweyne Xassan iyo Masuuliyiin kale waxa ayna dhamaantooda ku dheeraaden dhibaatada uu soo maray Booliska iyo Guulaha hadda uu gaaray Booliska Soomaaliyeed.
Inta ay munaasabadu socotay ayaa waxaa halkaasi ay Ciidamadu kusoo bandhigeen Gaadakacayaar iyo dhoolatus, iyadoona halkaasi lagu soo bandhigay Ciidamo farabadan oo ka tirsan Booliska.




