Xalay Salaadii maqrib kadib waqtiga bartamaha Yurub, ayaa waxaa la weeraray Masaajid ku yaala bartamaha magaalada Zurich ee dalka Switzerland, halkaas oo lagu dhawaacay saddex ruux oo ka mid yahay Imaamkii tujiyey Salaadda Maqrib, kaas oo magaciisa lagu soo koobey Sheekh Mustafa.
Sadexda qof ee la dhaawacay ayaa dhammaantood ah Soomaali.
Da’ada raggaasi lagu weeraray Masjidka ayaa lagu kala sheegay 30 jir 35 sano jir iyo 56 Sano jir.
Mid ka mid ah raggaasi dhaawaciisa ayaa culus halka labada kalena uu fudud yahay.
Mid ka mid ah Ragga la dhaawacay ayaa sheegay in nin xiran dhar Madow uu gudaha usoo galay Masjidka ka dibna uu la hadlay raggii fadhiyay Masjidka , markii ay la hadleena uu xabado ku furay markii ay daateena uu meesha ka baxsaday.
Ciidanka Booliska ayaa Baadi goobaya Ninkii da’diisa lagu sheegay 30 sano jir oo la sheegay in uu ka dambeeyay weerarkaasi.
Afhayeenka ciidanka Booliska ayaa sheegay in ay wadaan baaritaano ku saabsan sidii ay gacanta ugu soo dhigi la haayeen cidii ka dambeysay dhaawaca loo geystay dadka Soomaaliyeed.
Dhaawaca Sadexda qof ee Soomaaliyeed ayaa lagu dabiibaya isbitaalka Magaalada , waxaana la sheegaya in xaaladooda Caafimaad ay soo hagaageyso.
Ciidanka Booliska ayaa ugu baaqay dadka Soomaaliyeed ee kunool Zurich in ay is dajiyaan ,islamarkaana ciidanka ammaanka ay ku sameyn doonaan Baaritaano dheeraad ah dhacdadaani.
Dhacdadaan ayaa ah midii ugu horeeysay ee loo geysto dadka Soomaaliyeed ee kunool Magaalada Zurich.


