Agaasimaha shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom Mr Collymore, ayaa sheegay in dagaalyahannada Al-shabaab ay bur buriyeen Anteenooyin ay shirkaddaasi ku lahayd deegaanno hoostaga Degmada Mandhera ee Gobolka NFD.
Waxa uu tilmaamay Agaasimaha in Anteenooyinka la bur buriyey ay gaarayaan 6 anteeno, uuna soo gaarey khasaare aad u badan.
Mr Collymore ayaa sheegay in halkii Anteeno ee la dumiyo uu keenayo khasaare dhan 250 kun oo Doolar, isaga oo tilmaamay in sidoo kale uu kala go’ayo xiriirkii dadweynaha.
“Qiimaha taawarkii ku baxaya aad bay u badan tahay, Halkii Taawar ee la saaro qalab Isgaarsiin waxaa ku baxaya lacag dhan 250,000 oo doolar oo u dhiganta 25 Million oo lacagta Kenya ah, sidoo kale waxaa lumaya wada hadalkii dadweynaha.” Ayuu yiri agaasime Collymore.
Agaasimaha shirkadda Isgaarsiinta ee Safaricom ayaa sheegay in wada shaqeyn ay la shaqeynayaan ciidamada ammaanka Kenya si dib loogu dhiso Taawaradii ay Al-shabaab bur buriyeen.
Ujeedada ka dambeysa in Al Shabaab ay bur buriyaan Anteenooyinka Isgaarsiinta ayaa waxa ay tahay mid ku aadan in la waayo xiriir Isgaarsiineed oo Xogaha Shabaab laga gudbiyo, marka lagu arko deegaano hoostagga Degmada Mandhera.
Habeenimadii Isniinta ayaa dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab waxay bur buriyeen Taawaro ay shirkadda Isgaarasiinta Safaricom ku lahayd degmada Mandhera ee gobolka NFD.


