DHAGEYSO: Yusra Abraar “Dhaqaalaha Soomaaliya waala leexsadaa”

Gudoomiyihii hore ee Bandhiga Dhexe ee Soomaaliya Yusra Abraar ayaa waxa ay ka hadashay dhaqaalaha caalamka ay u soo dhiibaan Soomaaliya, halka lagu bixiyo

Waxa ay sheegtay caalamka in uu bixiyo dhaqaalaha Soomaaliya la siiyo balse Hay’adaha iyo NGO-yada in lacagahaasi ay ku sameeyaan is daba marin.

Yusra Abraar Gudoomiyihii hore ee Bandhiga Dhexe ee Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa ay sheegtay Nairobi iyo Islii in lagu dhisay dhaqaalaha Soomaaliya loo soo dhiibay oo ay Hay’adaha halkaasi ku bixiyeen, waxaana sidoo kale ay sheegtay dhaqaalaha Soomaaliya in aan dabagal lagu sameyn.

Yusra Abraar ayaa aheyd Gudoomiyihii hore ee Bandhiga Dhexe ee Soomaaliya, iyadoo xilkaasina ay iska casishay, waxaana ay sababta xilkaasi isaga casishay ku sheegtay in musuq maasuq uu ka jiro Hay’adaha dhaqaalaha ku shaqada leh Soomaaliya.