Doorashadii Aqalka Hoose ee Hirshabelle oo si KMG ah loo hakiyay

Guddiga Doorashada Dadban ee dalka, ayaa shaaciyay in la hakiyay Doorashada Xubnaha Aqalka hoose ee ka socotay magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe.

War ka soo baxay Guddiga Doorashada ayaa lagu sheegay in ilaa amar dambe la hakiyay Doorashadii ka socotay Magaalada Jowhar, kadib shaqaaqadii uu ka dambeeyay Wasiirka Dhalinyarada Iyo Isboortiga Xukuumadda Somaliya.

“Waxaynu hakinnay doorashada kuraasta dhiman ee Golaha Shacabka ee Jowhar ka dhici laheyd ilaa amar dambe.” Ayaa lagu yiri

Shaqaaqadii xalay ka dhacday Xarunta Doorashada Hirshabelle ee Magaalada Jowhar ayaa waxaa ka dambeysay kadib markii Wareega Koowaad ee Doorashada Wasiir Nuux uu helay codad gaaraya 21 cod, halka labadii Musharax kale ee la tartamaayay ay heleen codad gaaraya 23 iyo 7 cod.