Manchester United ayaa diyaar u ah inay iska iibiso saxiixa dhawaan kusoo biiray ee Henrikh Mkhitaryan inkastoo kaliya hal kulan uu kusoo bilowday tan iyo markii uu £30 million ku yimid Old Trafford.
Warge6yska The Sun ayaa baahiyay maanta qorshaha kooxda ka dhisan England ay ku iibineyso ciyaaryahanka khadka dhaxe ka ciyaara.
Ninka caalamiga ah ee Armenia ayaa waxaa doondoonayay kooxo badan oo Yurub ka hor inta uusan ku biirin Red Devils.
Ciyaaryahankaan kama uusan soo muuqan kooxda Jose Mourinho tan iyo bishii September 10, waxaana uu qabay dhaawac muddo dib u dhigay.
Laakiin warar xanta ah ayaa sheegay in Mkhitaryan haatan uu dhamaaday mustaqbalkiisa Old Trafford iyadoo lagu wado inuu ku lug yeesho suuqa kala iibisga bisha Janaayo.


