Madaxweynaayasha dowladda Goboleeda ayaa hambalyo u diray dhammaan umada Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan.
Madaxweynayaasha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ,Galmudug Cabdikariin Xuseen Guleed , Jubbaland Axmed Maxamed Islam Axmed Madoobe, Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo siyaabo kala duwan ula hadlay warbaahinta ayaa hambalyo hawada u mariyay dhammaan umada Soomaaliyeed Meelwalba oo ay joogaan.
Waxa ay u rajeeyeen umada Soomaaliyeed in ay ciidaan ciideeda kala ay ku gaaraan horumar iyo Barwaaqo .
Shacabka kunool gobolada ay ka taliyaan ayay ugu baqeen in ay ka shaqeeyaan ammaanka inta lagu gudajiro maalmaha ciida.


