DHAGEYSO: Wasaarada Arimaha Gudaha oo codsi u jeedisay Shacabka

Wasiirka arimaha Gudaha Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay muujiyaan dulqaad inta ay xiran yihiin wadooyinka Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in shacabka looga baahan yahay in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya , gaar ahaan laamaha amniga.

Wasiir Odawaa ayaa xusay in loo diyaar Garoobaayo shirka Madaxeed Urur Goboleed oo lagu wado in uu dhawaan ka furmo Muqdisho.

Waxa  uu  u rajeeyay  umada Soomaaliyeed in ay ciidaan ciideeda kala ay ku gaaraan horumar iyo Barwaaqo .

Wadooyinka Muqdisho ayaa Maalintii Afraad xiran xilli ay Maanta ku beegan tahay Munaasabada Ciidul Adxaa.