Manchester City ayaa hal talaabo u jirta saxiixa goolhayaha kooxda Barcelona Claudio Bravo oo heshiis £ 17.4million la gaartay.
Barca ayaana durba heshay bedelka Claudio Bravo, waxanaa heshiis Afka ah ay la gaareen goolhayaha Ajax Jasper Cillessen kasoo £ 10m ay kusoo qaadan doonaan,
Bravo aya u dhaqaaqaya England si uu u noqdo dooqa koowaad ee tababaraha cusub City Pep Guardiola.
kooxda reer Spain ee Barca ayaa diidan in ay fasaxaan Bravo ilaa goolhayaha dooqa koowaad ee Marc-Andre Ter Stegen, kasoo kabanayo dhaawaca uu qabo.
Laakiin Cillessen uu u aya usoo dhaqaaqaya Camp Nou tasoo ka dhigan in loo ogolaaday Bravo inuu ku biiro City si uu u bedelo Joe Hart.
Bravo ayaa la filayaa inuu soo gaaro Manchester Isbuucaan si uu udhameystiro ku biiristiisa City, waxaana Willy Caballero uu isna ahaan doonaa goolhayaha dooqa labaad.



