Wafdi ka socda dowladda Uganda ayaa la filayaa inay toddobaadkan soo gaaraan magaalada Muqdisho, iyagoo bilaabaya dadaallo lagu doonayo in la isugu keeno dhinacyada siyaasadda Soomaaliya, si xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee dalka.
Wafdigan ayaa la sheegay inuu qeyb ka yahay dadaallada diblomaasiyadeed ee uu hoggaaminayo Madaxweynaha Uganda, Yoweri Museveni, kaas oo aqbalay martiqaadkii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ee ahaa inuu booqasho ku yimaado Muqdisho, kana qeyb qaato dadaallada lagu fududeynayo wada-hadal loo dhan yahay.
Waxaana la filayaa in wafdigan uu hoggaamiyo wasiirka arrimaha gudaha iyo Taliyaha Sirdoonka ee dalka Uganda.
Dowladda Uganda ayaa dooneysa inay door ka qaadato isu-soo-dhoweynta dowladda federaalka iyo dhinacyada mucaaradka, kuwaas oo isku khilaafsan hannaanka doorashooyinka, dastuurka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee dalka.
Wadahadalladan ayaa imanaya xilli ay jiraan dadaallo kala duwan oo lagu doonayo in la helo heshiis siyaasadeed oo saldhig u noqda doorashooyinka qaranka ee 2027, iyadoo dhinacyada mucaaradku ay ku baaqeen wada-hadal loo dhan yahay oo lagu saleeyo dastuurka iyo go’aannada maxkamadaha.
Imaatinka wafdiga Uganda ayaa la filayaa inuu noqdo tallaabo cusub oo lagu dardargelinayo dadaallada lagu xallinayo khilaafka siyaasadeed ee Soomaaliya.



