Ciidamada deegaanka ayaa weerar qorsheysan ku qaaday maleeshiyaadka Al-Shabaab ee ku sugnaa deegaanka Cali Yabaal oo hoostaga degmada Ceeldheere ee gobolka Galgaduud, halkaas oo lagu dilay horjooge ka tirsanaa maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalkan waxaa hoggaaminayay Guddoomiye ku-xigeenka dhanka Amniga degmada Galcad, Cabdulqaadir Cali Bugle, oo ay weheliyeen ciidamo ka tirsan kuwa ilaalada deegaanka.
Wararka laga helayo howlgalka ayaa sheegaya in ciidamada ay bartilmaameedsadeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Cali Yabaal, iyadoo iska horimaadka ka dhashay in lagu dilay mid ka mid ah horjoogeyaasha kooxda, kaasi oo lagu magacaabi jiray Ilka Case.
Saraakiisha hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in uu ku dhammaaday guul, isla markaana uu qeyb ka yahay howlgallada joogtada ah ee ciidamada deegaanka ka wadaan deegaannada hoostaga degmada Ceeldheere iyo nawaaxigeeda.
Sidoo kale saraakiisha ayaa horey u hoggaamiyay howlgallo dhowr ah oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-Shabaab, kuwaas oo ka dhacay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.
Howlgalladaas waxaa ka mid ahaa kii sanadkii hore ka dhacay deegaanka Coosweyne, kaas oo qeyb ka ahaa dagaalladii ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ay kula jireen maleeshiyaadka Al-Shabaab.
Howlgalkan cusub ayaa kusoo beegmaya xilli ay weli socdaan howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-Shabaab ee deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud, iyadoo ciidamada deegaanka ay door muuqda ku leeyihiin dagaalka ka socda gobolka.




