Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyey hindise-sharciyeedyo wax-ka-beddel ballaaran lagu sameynayo Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda, kuwaas oo dowladda sheegtay in lagu waafajinayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.
Kulankan aan caadiga ahayn ee Golaha Wasiirrada, oo uu shir-guddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa lagu ansixiyey wax-ka-beddelka 23 qodob oo ka mid ah Xeerka Doorashooyinka Qaranka iyo siddeed qodob oo ka tirsan Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda.
War-saxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in wax-ka-beddelladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu dhaqan-gelinayo Dastuurka Federaalka, maadaama xeerarkan la ansixiyey ka hor inta aan la meel-marin dastuurka, taasoo keentay baahida loo qabo in dib loogu habeeyo qodobbada dastuuriga ah.
Isbeddellada lagu sameynayo hannaanka doorashooyinka ayaa dhigaya in shacabka Soomaaliyeed ay si toos ah u soo dooran doonaan goleyaasha deegaanka, goleyaasha wakiillada dowlad-goboleedyada iyo xubnaha labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
Sida ku cad qaabka cusub ee la soo jeediyey, goleyaasha la soo doorto ayaa iyaguna dooran doona madaxda kale ee heerarka kala duwan, laga bilaabo guddoomiyeyaasha degmooyinka illaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Qodobkan ayaa qeyb ka ah dib-u-habeynta hannaanka doorashooyinka ee dowladda Federaalka ay ku dooneyso in lagu ballaariyo ka-qaybgalka shacabka, isla markaana lagu beddelo qaabkii hore ee doorashooyinka dalka.
Dhanka kale, Golaha Wasiirrada ayaa ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameynayo shuruudaha ururrada iyo xisbiyada siyaasadda, iyadoo la go’aamiyey in urur siyaasadeedka doorashada heer federaal ka hela ugu yaraan 10% codadka uu si rasmi ah u noqonayo xisbi qaran.
Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha ayaa sidoo kale loo oggolaaday inuu dejiyo habraacyo iyo farsamooyin lagu fududeynayo diiwaangelinta muwaadiniinta iyo cod-bixinta, iyadoo la tixraacayo qodobbada dastuurka ee dhiirrigelinaya ka-qaybgalka shacabka ee doorashooyinka.
Ansixinta hindise-sharciyeedyadan ayaa imaneysa xilli dalka uu ka jiro muran siyaasadeed oo xooggan oo la xiriira hannaanka doorashooyinka, waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka iyo nooca nidaam doorasho ee dalka lagu maamulayo.
Mucaaradka iyo dowlad-goboleedyada qaar ayaa horey u muujiyey walaac ku saabsan habka ay dowladda Federaalka u waddo qorshaha doorashooyinka, iyagoo ku baaqay in arrimaha masiiriga ah ee dalka laga gaaro heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.
Waxaa xusid mudan in ansixinta Golaha Wasiirradu aysan ahayn marxaladda ugu dambeysa ee sharciyeynta wax-ka-beddelladan, maadaama hindise-sharciyeedyadu ay u baahan yihiin inay maraan habraacyada sharci-dejinta ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.




