Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sare ee Soomaaliya, Baashe Yuusuf Axmed, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 23-ka Nofeembar 2026, warqad rasmi ah u diray Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ugu baaqay inay ixtiraamaan Dastuurka dalka iyo xukunkii Maxkamadda Sare ee 5-tii Nofeembar 2026.
Baashe ayaa warqaddiisa ku xusay in Maxkamadda Sare ay xukuntay in muddo-xileedka labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka uu dhammaaday 14-kii Abriil 2026, isla markaana tallaabo kasta oo awood baarlamaani ah oo la qaaday taariikhdaas kaddib aysan lahayn wax saameyn sharci ah.
Waxa uu sidoo kale tilmaamay in ku xadgudubka Dastuurka iyo go’aannada maxkamadaha ay tahay arrin ka hor imaanaysa waajibaadka sharci iyo kan dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda, isagoo carrabka ku adkeeyay in dhammaan hay’adaha dowladda ay waajib ku tahay inay u hoggaansamaan xukunnada Maxkamadda Sare.
Warqadda uu soo saaray ayuu sidoo kale ku sheegay in xildhibaannada iyo hay’adaha dowladda ay waajib ku tahay inay dhowraan kala-soocidda awoodaha dowladda, madaxbannaanida garsoorka iyo nidaamka dastuuriga ah.
Baashe Yuusuf ayaa labada Guddoomiye ka dalbaday inay xaqiijiyaan u hoggaansanaanta iyo fulinta xukunka Maxkamadda Sare, isagoo ku adkeeyay in mas’uuliyadda ilaalinta Dastuurka iyo sarreynta sharcigu ay saaran tahay dhammaan hay’adaha dowladda.
Waxa kale oo uu xusuusiyay in go’aanka Maxkamadda Sare uu dhinacyada siyaasadda faray inay 30 maalmood gudahood ku heshiiyaan hannaan doorasho oo la isla oggol yahay, doorashadana lagu qabto 90 maalmood gudahood.
Ugu dambayn, Baashe Yuusuf ayaa labada Guddoomiye ka codsaday inay muddo toddobo maalmood ah gudahood kaga soo jawaabaan warqaddiisa, taas oo kusoo aadaysa xilli uu weli taagan yahay khilaafka sharci iyo siyaasadeed ee ku saabsan muddo-xileedka hay’adaha dowladda iyo awoodda Maxkamadda Sare.
Go’aanka Maxkamadda Sare ayaa waxaa ka hor yimid Dowladda Federaalka, taas oo su’aal gelisay sharciyaddiisa iyo awoodda maxkamaddu u leedahay inay arrimahaas ka garnaqdo




