Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee Masar, Suudaan iyo Eritrea ayaa mar kale xaqiijiyey taageeradooda midnimada, madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, iyagoo ka soo horjeestay sameysashada maamulo ama maleeshiyaad barbar socda dowladda dhexe.
Arrintan ayaa lagu sheegay kulan saddex geesood ah oo magaalada Aswan ee koonfurta Masar ku dhexmaray Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, iyo dhiggiisa Suudaan, Mohi El-Din Salem, iyo Eritrea, Osman Saleh, kuwaas oo ka qaybgalaya Madasha Lixaad ee Aswan ee Nabadda iyo Horumarka Waara.
Sida uu sheegay afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar, Nader Zaki, saddexda wasiir ayaa kulankooda kaga hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee dalalkooda, sare u qaadista wada-tashiga iyo isku-duwidda mowqifyada ku aaddan arrimaha gobolka.
Wasiirradu waxay sidoo kale carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in laga ambaqaado natiijooyinkii shirkii wadatashiga ee Al-Calami, kaas oo bishii Oktoobar ay ka qaybgaleen Soomaaliya, Masar, Suudaan iyo Eritrea.
Wasiirka Arrimaha Dibadda Masar, Badr Abdelatty, ayaa sheegay inuu Soomaaliya la wadaagi doono nuxurka iyo natiijooyinka kulanka saddex geesoodka ah, si loo sii ambaqaado wada-tashiga afarta dal.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladaha amni iyo siyaasadeed ee gobolka, iyadoo saddexda wasiir ay adkeeyeen muhiimadda ilaalinta amniga iyo xasilloonida Badda Cas, iyo xaqiijinta xorriyadda isu-socodka maraakiibta ganacsiga ee marinnada caalamiga ah.
Waxay sidoo kale sheegeen in mas’uuliyadda maamulka iyo ilaalinta amniga Badda Cas ay gaar u tahay dalalka ku teedsan xeebaha baddaas.
Dhanka kale, wasiirradu waxay muujiyeen diidmada ay ka qabaan faragelinta dibadda iyo tallaabooyinka hal dhinac ah ee la xiriira arrimaha amniga iyo biyaha, iyagoo ku baaqay in la ixtiraamo madaxbannaanida iyo arrimaha gudaha ee dalalka gobolka.
Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli ay sii xoogeysanayaan dadaallada diblomaasiyadeed ee dalalka gobolka, gaar ahaan kuwa ku teedsan Badda Cas, ee ku aaddan ilaalinta amniga, madaxbannaanida dowladaha iyo xasilloonida Geeska Afrika.




