Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa bilaabay dadaallo cusub oo uu ku doonayo inuu dib ugu soo celiyo wada-hadallada siyaasiyiinta mucaaradka ee diiday inay ka qeyb galaan gogoshii wadatashiga ee uu dhawaan ku baaqay, taasoo ku dhammaatay fashil.
Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu ergooyin u diray qaar ka mid ah siyaasiyiinta mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho, si uu ula yeesho kulamo gaar ah oo looga hadlayo khilaafka siyaasadeed ee dalka iyo sidii dib loogu bilaabi lahaa wada-hadallada.
Dadaalladan ayaa la sheegay inay qeyb ka yihiin qorshe uu madaxweynuhu ku doonayo inuu miiska wadahadalka kusoo celiyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, gaar ahaan xubnaha Golaha Mustaqbalka ee sida weyn uga soo horjeeda hannaanka siyaasadeed ee dowladda.
Dhanka kale, safiirrada beesha caalamka, gaar ahaan kuwa dalalka Ingiriiska iyo Turkiga, ayaa maalmihii lasoo dhaafay kulamo kala duwan la yeeshay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan Golaha Mustaqbalka.
Diblomaasiyiinta ayaa la sheegay inay dhinacyada ku cadaadinayaan sidii loo heli lahaa xal siyaasadeed oo lagu soo afjaro khilaafka taagan, isla markaana loo abuuro jawi suuragelin kara wada-hadal iyo is-afgarad dhexmara dowladda iyo mucaaradka.
Khilaafka siyaasadeed ayaa salka ku haya arrimaha dastuurka, doorashooyinka iyo mustaqbalka hoggaanka dalka, iyadoo mucaaradku ay shuruudo ka muujiyeen gogoshii uu madaxweynuhu ku baaqay, halka dowladda ay ku adkeysaneyso in wada-hadalku yahay jidka ugu habboon ee lagu xallin karo khilaafaadka.
Ilaa hadda lama oga in dadaalladan cusub ay horseedi doonaan kulan fool-ka-fool ah oo dhex mara Madaxweyne Xasan Sheekh iyo hoggaamiyeyaasha mucaaradka, balse waxaa muuqata in dadaallo diblomaasiyadeed iyo kuwo siyaasadeed ay socdaan si loo soo afjaro ismari-waaga siyaasadeed ee dalka.




