Madaxweynaha Turkiga oo ansixiyay miisaaniyadda dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan, ayaa saxiixay oggolaanshaha miisaaniyadda mashruuca dhismaha safaaradda cusub ee Soomaaliya ay ku yeelanayso magaalada Ankara, taas oo la filayo in dhismaheedu uu dhawaan ka bilaabmo caasimadda dalka Turkiga.

Tallaabadan ayaa waddada u xaareysa hirgelinta mashruuca dhismaha xarunta cusub ee Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, kaddib markii la ansixiyay miisaaniyadda loogu talagalay dhismaha xarunta diblomaasiyadeed.

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga ayaa sheegtay in go’aankan uu yahay tallaabo muhiim ah oo suuragelinaysa in mashruuca dhismaha safaaradda cusub uu si rasmi ah u dhaqaaqo, iyadoo la filayo in shaqada dhismaha ay dhawaan ka bilaabato magaalada Ankara.

Dhanka kale, Safaaradda Turkiga ee Muqdisho ayaa iyaduna qoraal ay ku baahisay barta X ku xaqiijisay in Madaxweyne Recep Tayyip Erdoğan uu saxiixay oggolaanshaha miisaaniyadda mashruuca dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee Ankara.

Mashruucan ayaa qayb ka ah xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga muddada dheer ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, kuwaas oo leh xiriir dhinacyo badan taabanaya oo ay ka mid yihiin amniga, dhaqaalaha, horumarinta kaabeyaasha iyo arrimaha diblomaasiyadda.

Dhismaha xarunta cusub ee Safaaradda Soomaaliya ayaa la filayaa inuu sare u qaado awoodda safaaradda ee gudashada waajibaadkeeda diblomaasiyadeed, isla markaana uu noqdo astaan muujinaysa xiriirka walaaltinimo iyo iskaashiga istaraatiijiyadeed ee labada dal.