Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa sheegay inuusan ogeyn in ay run tahay wararka sheegaya in Iran ay sameysanayso hubka loo yaqaan “Dirty Bomb”, balse haddii ay dhab ahaantii dhisayso, Maraykanku wuu ogaan doonaa isla markaana ka hortagi doono.
Trump oo Jimcihii shalay shir jaraa’id ku qabtay Aqalka Cad ayaa sidaas kaga jawaabay su’aal la xiriirtay warbixinno sirdoon oo sheegaya suuragalnimada in Iran ay bam noocaas ah ku weerarto magaalada Washington.
“Ma garanayo. Waxaa jira warar xan ah oo sheegaya inay sameysanayaan bam wasakhaysan,” ayuu yiri Trump.
Wuxuu intaas ku daray: “Wax badan ayaan ka ognahay waxa ka socda Iran. Waan ognahay wax kasta oo ay sheegayaan, cidda ay yihiin iyo meelaha ay joogaan. Arrintan waan ogaan doonnaa, mana oggolaan doonno inay dhacdo.”
Warbaahinta CNN ayaa hore u baahisay warbixin sheegaysa in xogaha sirdoonka ee hay’adaha amniga Maraykanku ay muujinayaan in Iran laga yaabo inay isku dayayso inay sameysato bam wasakhaysan oo ay ku qarxiso Washington.
Hase yeeshee, wakaaladda wararka Reuters ayaa sheegtay inaysan si madax-bannaan u xaqiijin karin warbixinta CNN.
Saraakiisha Iran ayaa beeniyay eedeymahaas, halka xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka Marco Rubio uu hore u sheegay inuusan rumaysnayn inay jirto khatar degdeg ah oo Washington ku wajahan.




