Ciidanka Booliska Dowladda Jubbaland ayaa magaalada Kismaayo ku qabtay afar dhalinyaro ah oo isugu jira rag iyo dumar, kuwaas oo saraakiisha boolisku sheegeen inay ku lug lahaayeen tahriib, isla markaana doonayay inay u safraan dalal dibadda ah.
Afhayeenka Ciidanka Booliska Jubbaland, Dhamme Shukri Faarax Ducaale, ayaa sheegay in afarta qof laga qabtay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo, xilli ay kasoo dageen diyaarad ka timid magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa tilmaamay in afarta dhalinyaro ah mid ka mid ah lagu tuhunsan yahay inuu yahay qofka dadka tahriibinayay, halka saddexda kale ay ahaayeen dad doonayay inay dalka ka tahriibaan.
Shukri Faarax Ducaale ayaa sheegay in Booliska Jubbaland ay tallaabooyin ka qaadi doonaan dadka ku howlan tahriibinta dhalinyarada, isaga oo xusay in cid kasta oo lagu qabto falalkaas la horgeyn doono sharciga, xabsigana la dhigi doono.
Dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed ayaa sannadihii u dambeeyay isku dayay inay dalka uga tahriibaan waddamada Yurub, iyagoo raadinaya nolol dhaanta tan ay ku nool yihiin. Hase yeeshee, safarradaas ayaa marar badan la socda khataro badan, waxaana jira dad badan oo la kulma dhibaatooyin iyo xaalado adag inta ay ku jiraan socdaalka.
Booliska Jubbaland ayaa sheegay inay sii wadi doonaan la-dagaallanka shabakadaha dadka tahriibiya.




