Markab sita calanka Soomaaliya oo weerar diyaaradeed lagu burburiyey.

Warbaahinta caalamiga ah ee Reuters ayaa qortay in markab ganacsi oo sita calanka Soomaaliya, laguna magacaabo Betul 8, uu ku degay Badda Madow, kaddib markii ay ku dhufatay diyaarad badeed aan duuliye lahayn (Sea Drone), sida ay sheegeen ilo ku xeeldheer amniga badda.

Markabka ayaa Isniintii ku degay aagga dhaqaalaha gaarka ah ee dalka Bulgaariya, isaga oo xilligaas ka soo ambabaxay dalka Romania kuna sii jeeday Masar, waxaana uu siday 3,000 oo tan oo sarreen ah.

Sida ay Reuters sheegtay, dhammaan 12-kii shaqaale ee markabka saarnaa ayaa la badbaadiyey, waxaana gurmadka fuliyey maraakiib militari iyo diyaarad qumaatiga u kacda oo laga leeyahay dalka Bulgaariya.

Wasaaradda Gaadiidka Bulgaariya ayaa sheegtay in shaqaalaha markabka la geeyey xeebaha dalkaas, xaaladdooduna ay wanaagsan tahay. Ilaa hadda lama soo sheegin dhimasho ama waxyeello deegaan oo ka dhalatay shilka.

Warbixinta Reuters ayaa intaas ku dartay in markabka Betul 8 uu noqday markabkii 17-aad ee la weeraro tan iyo bartamihii bishii Luulyo, marka la eego maraakiibta maraysay xeebaha Bulgaariya iyo Romania, sida ay sheegtay shirkadda amniga badda ee Diaplous.

Dhanka kale, saraakiisha Romania iyo Bulgaariya ayaa hore uga gaabsaday inay si toos ah u magacaabaan cidda ka dambeysa weerarrada, inkastoo marar hore ay farta ku fiiqeen Ruushka oo beeniyey eedeymahaas. Ukraine-na waxaa iyaduna lagu eedeeyey weerarro ka dhan ah maraakiibta Ruushka.