DEG DEG: Weerar ka dhacay Duleedka Muqdisho

Wararka inaga soo gaaraya Caawa Duleedka Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in Dagaalyahano ka tirsan Shabaab ay weerar ku qaadeen xarun ciidanka AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Arbacow.

Shabaabka ayaa la sheegay in ay tiro Madaafiic ah ay ku garaaceen Deegaanka Arbacow oo ciidanka AMISOM saldhig ay ku leeyihiin, waxaana la sheegay in halkaas Dagaal kooban uu ku dhexmaray.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in Dagaalkan uu geystay khasaare soo kala gaaray labada dhinac.

Ilaa iyo kama aysan ka hadlin ciidanka AMISOM weerarkan caawa lagu qaaday xarun ay ku leeyihiin Deegaanka Arbacow oo ka tirsan Duleedka magaalada Muqdisho.