Muqdisho-RisaalaFM- Ciyaartooyda Puntland ayaa ku guulaystay tartankii ciyaaraha dowlad gobaleedyada ee ka socday magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, kadib markii Rigooreyaal 5 iyo 3 ay kaga adkaatay kooxda Jubbaland.
Daawashada Ciyaartan ayaa waxaa ka qaybgalay, Madaxweynaha JFS Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, R/wasaaraha Dalka Cumar C.rashiid, Wasiiro, Xildhibaano, Mas’uuliyiin, Marti Sharaf iyo Kummanaan dad wayne ah oo aad u xiisaynayay daawashada ciyaartaan.
Madaxweyne Gaas ayaa balan qaaday in kor loo qaadi doono Tayada kubada cagta ee Puntland, sidoo kalena ay guushaan muujinayso in Puntland dhinac kasta ka tahay maamul dhameystiran.
Magaalooyinka waa weyn ee Puntland ayaa hada waxaa ka socota qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta ciyaartoyda Puntland oo ku guuleysatay Tartanka ciyaaraha maamul goboleedyada.



