Muddo ku dhow 24 saacadood oo rag ka tirsan maleeshiyadka Al-shabaab ay ka dhex dagaalamayeen hotel Qaahira ee ku yaala xaafada Howl-wadaag magaalada Beledweyne ayaa la soo afjaray, kadib markii ciidamada ammaanka ay howlgal culus ku qaadeen hotelka.
Maamulka Magaalada Beledweyne ayaa sheegay in ciidamada ammaaanka ay soo afjareen kooxdii weerarka ku qaaday hotelka ku yaala magaalada Beledweyne.
Sidoo kale maamulka ayaa sheegay in ay dhawaan shaacin doonaan Khasaaraha ka dhashay weerarka Hoteel Qaahira.
2 xubnood ayaa ka dhex dagaalamayay hotelka, iyadoona kan ugu dambeeyay la toogtay sida laga soo xigtay saraakiisha ciidamada ammaanka ee ku sugan Beledweyne.
Weerarkaan Qaraxyada ku bilawday ayaa ahaa kii ugu cuslaa ee waayadaan ka dhaca Beledweyne. Maadaama soo afjaristiisa ay qaaday in ku dhaw 24 saac.
Weerarka lagu ku qaaday hotel Qaahira magaalada Baladweyne waxaa ka dhashay Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la xaqijiyay dad toban qof kor udhaafaya ayaa geeriyooday oo afar ka mid ah ay yihiin odayaal dhaqameed hotellka deganaa.
Gaari walxaha qarxo laga soo buuxiyay ayaa lagu dhuftay afaafka hore hotelka, kadibna waxaa galay koox ka mid ah Al-Shabaab, Qarax labaad ayaa ka dhacay bananka hotelka midkaas oo ahaa mooto ah waana qarax khasaaraha badiyay geystay sida ay sheegeen dadka deegaanka.
Hotelka Qaahira maalmihii dambe waxaa ku sugnaa Odayaasha degaanka iyo saraakiil ciidan, kuwaasi oo qorayay ciidamo Macawiisley oo qeyb ka noqdo dagaalka ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab.
Beelaha degan Gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay dagaal kula jiray maleeshiyaadka Al-shabaab, kuwaas oo badanaa ka saaray dhulka Hiiraan.
Madaxda hore, siyaasiyiin iyo xildhibaano ayaa ka tacsiyeeyay Weerarka ka dhacay Beledweyne, iyaga oo ku tilmaamay Fal arxan daro ah oo ka turjumaya bahalnimada iyo cadowtinnimada ay argagixisadu u qabaan ummadda Soomaaliyeed.
Beladweyne waa magaalada labaad oo al-shabaab ay qaraxyo iyo weeraro dhowr ah ay ka fuliyeen marka laga soo tago Magaalada Mudisho oo iyada tan ugu badan.
Weerarka Hoteel Qaahira ee Magaalada Beledweyne ayaa kusoo aaday xili Kooxda AS ay culeys xoogan ay saartay gobolka shabeelaha dhexe oo hada dagaal kaga furan yahay.



