Dagaal xooggaan ayaa ka socda Deegaano ku dhow tuulada Labagaras ee Degmada Cadale, kaasi oo u dhexeeya ciidamada Xoogga Dalka iyo kuwa deegaanka oo isku dhinac ah iyo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Weerarka ayaa qaaday ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa dadka deegaanka, waxaana la soo werinayaa in dagaalka uu yahay mid xooggan, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.
Wararka ayaa sheegaya in dhinacyada ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona dhawaqa rasaasta laga maqlayo deegaanada u dhow goobta uu dagaalka ka socdo.
Ilaa iyo hadda lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Lama garas ee gobolka shabeelada dhexe.
Dagaalka ayaa waxaa barbar socda duqeymo culus oo lala beegsanayo maleeshiyaadka Al-shabaab.
Khasaare xooggan ayaa la soo werinayaa in la gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-shabaab ee weerarka lagu qaaday, inkastoo aan la ogeyn tirada saxda ah ee laga dilay kooxda.
Gobolka shabeelada Dhexe ayaa waxaa ka socdo guluf dagaal oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab, kaasi oo la doonayo in laga saaro deegaano ay dhawaan la wareegeen kooxda



