Xildhibaano ku baaqay inuu is casilo Madaxweyne Xasan Sheekh.

Xildhibaanada Golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya oo gaaraya 100 xildhibaan ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ugu baaqay in uu xilka iska casilo, maadaam uu dalka ku jiro marxalad halis ah sidees darteedna loo baahan yahay in dowladnimada dalka la badbaadiyo

Xildhibaannada Mucaaridka ee DFS “Madaxweyne Xasan isagaa Raysal wasaare, wasiir ilaa Agaasime isu ah, dalka wuu ku fashilmay wuxuu horseeday musuqmaasuq iyo qaraabo kiil, waa in uu is casilo.”

Xildhibaan Cabdirisaaq oo ka mid ah xildhibaanada mucaaraadka ee Warbaahinta u akhriyay Warsaxaafadeed ayaa sheegay in ay qaadi doonaan talaabooyin culus oo ka dhan ah xukuumadda Soomaaliya, iyagoo sheegay in xukuumadda ay laashay dastuurka, islamarkaana ku fashilan  tahay waxyaabihii loo idmaday.

“Madaxweyne iscasil, oo qiro fashilkaada, waxaad noqoneysaa hoggaamihiyihii ugu horeeyay fashilkiisa qirta” ayay yiraahdeen xildhibaanada.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa guddoonka Golaha Shacabka ugu baaqay inuu joojiyo naas-nuujinta uu u sameynayo xukuumadda Soomaaliya.