Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Garoonka kubada cagta Banaadir Stadium ku balansan kooxaha Puntland iyo Hiiraan / Shabeelaha Dhexe oo dhinaca oo ciyaari doona kulan ka tirsan Tartankaa Maamul Goboleedyada dalka.
Tartankan ayaa waxaa uu ahaa mid loo sameeyay Labo Group oo kala ah Group A iyo Group B.
Groupka A Waxaa ku wada jiray kooxaha Banaadir, Puntland iyo Koonfur Galbeed, halka Groupka B ay kuwada jireen kooxaha Jubbaland, Galmudug
.Galabta waxa wada ciyaari doona Puntland oo kaalinta koowaad Groupka A uga soo baxday iyo Hiiraan ,shabeelaha dhexe oo Groupka B kaalinta Labaad uga soo baxday, waxaana kulanka uu yahay mid xiiso badan.
Kooxahan galabta ciyaaraya kooxdii guul gaarta ayaa ugudbi doonta kama dambeysta Tartankan.
Taageerayaasha Labada dhinac ee kulankan ayaa waxa ay yihiin kuwo isku diyaarinaya ciyaarta, iyagoo kala taageeri doona kooxaha galabta ciyaari doona.
Ciyaartan ayaa Galabta Garoonka kubada cagta ee Banaadir Stadium waxa ay ka bilaaban doontaa saacadu marka ay tahay 04:00 Galabnimo.



