Kooxaha Galmudug iyo Hiiraan Sh/Dhexe oo galabta ciyaari doona

Muqdisho-RisaalaFM- Kooxaha Galmudug iyo Hiiraan, Shabeelaha Dhexe oo isku dhinac ah ayaa galabta ciyaari doona kulan ka tirsan Tartanka maamul goboleedyada dalka, waxaana ciyaarta ay ka dhici doontaa Garoonka Banaadir Stadium.

Kooxahan Galmudug iyo Hiiraan, Shabeelaha Dhexe ayaa horey usoo ciyaaray kulan, waxaana galabta ay ciyaari doonaan kulankooda Labaad.

Hiiraan, Shabeelaha Dhexe ayaa kulankeedii ugu horeeyay waxa ay guul ka gaartay kooxda Jubbaland ciyaar ku soo dhamaatay 2 iyo 1, Halka kooxda Galmudug ay kulankeedii ugu horeeyay ay guul daro kala soo kulantay kooxda Jubbaland.

Kooxaha Puntland iyo Banaadir ayaa shalay usoo gudbay wareega Afar dhamaadka Tartanka maamul goboleedyada, waxaana galabta la xaqiijin doonaa labada kooxood ee soo gaari doona wareega Afar dhamaadka Tartankan.

Ciyaartan udhaxeysa Labadan kooxood ayaa waxa ay Garoonka Banaadir Stadium ka bilaaban doontaa saacadu marka ay tahay 04:00 Galamnimo.