DHAGEYSO: Waxgaradka Hiiraan “maamul gaar ah ayaan sameysaneynaa”

Hiiraan-RisaalaFM- Kulan ay Magaalada Baledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan isugu yimaadeen Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa waxa ay ku dhawaaqeen inay sameysanayaan Maamul u gaar ah Gobolka Hiiraan.

Ugaas Cali Ugaas Maxamed Ugaas Shafeec ayaa sheegay in dhawaan ay sameysan doonaan Maamul u gaar ah Gobolka Hiiraan.

Waxa uu sheegay in shacabka iyo Ugaasyada gobolka Hiiraan ay ka tashanayaan gobolka islamarkaana ay sameysanayaan Maamul u gaar ah.

Waxa uu xusay in ay ku dadaalayaan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u dhisan doonaan Maamul gaar ah.

Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa si weyn u taageeray qorshahaasi ku aadan dhismaha Maamul u gaar ah Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan ayaa si adag kaga soo horjeeda inay ka qayb galaan Shirka maamul u sameynta Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo gogoshiisa ay taalo Magaalada Jowhar.

Xubno ka socda IGAD ayaa isku dayay inay Odayaasha reer Hiiraan ka dhaadhiciyaan ka qayb galka Shirka Jowhar, hayeeshe arintaasi waa ay ku fashilmeen.