Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa Maanta la filayaa inay kulan wadajir ah kuyeeshaan Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho, iyaga oo kaga hadlay ka doodista waxka bedelka Dastuurka dalka.
Guddoonka labada Aqal ayaa Xildhibaannada ku wargeliyay in uu jiro Maanta oo Atbaco ah kulanka wadajirka ah ee Xildhibaannada labada Aqal, iyada oo Ajanaha kulanka Maanta uu yahay:
Dib u eegista Dastuurka
Marxaladda 2aad
Sii wadida ka dooddista Soo jeedimaha Wax- kabadalka Dastuurka
Cutubka 4aad
Matalaadda Shacabka, Doorashooyinka
* Madaxa 1aad ilaa Madaxa 4aad
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku kala argti duwan qodobada wax looga bedelayo Dastuurka, waxaana badi ay sheegeen in dastuurkaan uu yahay mid cusub aysan macquul aheyn in la ansixiyo halka qaarkood ay doonayaan in la meel mariyo.



