Gaalkacyo-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta kulan la qaatay dhallinyarada ku nool gobolka Mudug.
Kulankaan ayaa waxaa diiradda lagu saarayey sidii ay dhallinyaradu qayb uga qaadan lahaayeen nabad-gelyada iyo horumarinta gobolka Mudug.
Dhallinyaradaasi ayaa mudadii uu kulanka socdey u soo jeediyey Madaxweynaha talooyin badan oo la xiriira sidii wax looga qaban lahaa amni darada kasoo cusboonaatay gobolka Mudug iyo sida ugu wanaagsan ee ay dhallinyaradu uga qayb qaadan karaan.
Sidoo kale dhallinyarada ayaa waxa ay ka codsadeen Madaxweynaha Puntland in la badiyo fursadaha shaqo ee la siinayo dhallinyarada, lana xoojiyo kaalinta ay dhallinyarada iyo haweenku ku leeyihiin siyaasadda.
C/wali Maxamed Cali Gaas Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa dhallinyaradaasi ku booriyey in ay la shaqeeyaan laamaha kala duwan ee amaanka.
Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in maamulka Puntland uu xoogga saari doono sidii loo sii dardar-gelin lahaa kaalinta dhallinyarada iyo haweenku ay ku leeyihiin siyaasadda.



