Ciidanka Booliiska dalka Mareykanka ayaa ku raad jooga kooxo hubeysan oo dhaawac u geystay muwaadin Soomaaliyeed oo ku sugnaa xarun ganacsi oo ku taala dalka Mareykanka.
Kooxaha weerarka qeystay oo la aaminsanyahay in ay yihiin burcad ayaa waxa ay weerar kusoo qaadeen xarun ganacsi oo ay leeyihiin dhalinyaro Soomaaliyeed oo ku taala dalka Mareykanka waxayna dhaawac u geystay 1 qof oo Soomaali ah, halka ay qaateen lacag aan badneyn oo taalay xarunta ganacsiga sida ay warbaahinta u sheegeen dhalinyaro joogtay goobta Ganacsiga.
Soomaalida kunool gobolada qaar ee dalka Mareykanka ayaa waxaa soo wajahay cabsi aad u xoogan ka dib markii ay kordheen beegsiga loo geysanaayo dadka muslimiinta ah ee ku sugan dalka Mareynkanka.
Wargeys ka soo baxa dalka Mareykanka ayaa qoray in ay Soomaalidu ay ka mid yihiin dadka ugu badan ee lagu eedeeyo in ay yihiin Argagixiso.


