DHAGEYSO: Banaanbax maanta ka dhacaya magaalada Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Hay’ada Culimada Soomaaliyeed, ayaa maanta oo Isniin ah ku baaqday in la qabto banaanbax looga soo horjeedo weerarkii lagu qaaday masaajidka Nabigeena Maxamed (NNKH).

Hay’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale si weyn u cambaareysay weerarkaasi.

Sheekh Bashiir Axmed Salaad Gudoomiyaha Hay’ada Culimada Soomaaliyeed oo Idaacadda Risaala la hadlay ayaa sheegay in ay ka xun yihiin weerarkii lagu qaaday dhulka barakaysan Sacuudi carabiya.

Sheekh Bashiir ayaa sidoo kale sheegay in dadka muslimiinta ah looga baahanyahay in ay muujiyaan shucuurtooda ku aadan dhacdii ka dhacday dalka Sacuudi Carabiya oo maanta barqadii ay isugu soo baxaan barxada weyn ee Masjidka Isbaheysiga Islaamka.

Dhanka kale Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa si adag ugu canbaareeyey ficilkii argagixisada ahaa ee kooxaha diinlaawayaasha ahi ay ku qaadeen Masjidka Nabiga ee Magaalada barkaysan ee Madiina.

Goluhu Xukuumaddu waxay tacsi u direen guud ahaan Caalamka Islaamka, gaar ahaan dawladda Boqortooyada Sucuudiga, iyagoo uga tacsiyeeyay ficilkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday goobaha barakaysan ee Islaamka.