Golaha Ammaanka ee QM oo Maanta kulan ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Maanta oo Arbaco ah Gelinka dambe ayaa waxaa la filayaa in Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay kulan aan caadi aheyn ka yeeshaan xaaladda Guud ee Soomaaliya , xilli Abaaro baahsan ay kajiraan meelo kamid ah Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa la filayaa inay warbixin siiyaan Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud u qaabilsan Soomaaliya James Swan iyo qaar kamid ah Wakiilada Beesha Caalamka u jooga Soomaaliya,kuwaas oo sanad walba shirarka looga hadlao arrimaha Soomaaliya ka qeyb galla.

Kulanka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa Arrimaha la xiriira Ammaanka, Abaaraha iyo dhibatooyinka kale ee xilligaan kajira dalka Soomaaliya, iyada oo madaxda ay siweyn uga doodi doonaan xaaladaha kajira Soomaaliya iyo sida looga gudbi karo.

Inta uu kulanka socdo ayaa waxaa sidoo kale la filayaa in qar kamid ah Safiirada Qaramada midoobay u jooga dalalka qaarkood ay soo jeediyaan in taageero dhaqaale la siiyo Soomaaliya maadaama xilligaan ay kajirto abaar saameysay dad iyo duunyo

Soomaaliya ayaa waxaa ay xilligaan kujirta xaalad adag, waxaana isku biirsaday weerarada Al-Shabaab io abaarta saamenta ku yeelatay, iyada oo dowladda cusub ee Soomaaliya qorsheyneyso in a waxka qabato dhibaatooinka kajira dalka.