DHAGEYSO: Ciidamada dowladda oo la wareegay deegaano ka tirsan Baay

Baay-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo waliba kuwa AMISOM ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay la wareegeen deegaano ka tirsan gobolka Baay.

Saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Baay oo la hadlay Idaacadda Risaala ayaa waxa ay usheegeen in howlgallo qorsheysan oo ay iska kaashanayeen Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo waliba kuwa AMISOM ay ka sameeyeen deegaano dhowr ah oo ka tirsan degmada Qansax-dheere ee gobolka Baay.

Waxaana sidoo kale aya sheegeen in howlgaladaasi ay ugu suura gashay in deegaano hoostaga degmada Qansax-dheere ay la wareegaan.

Saraakiisha dowladda ayaa sidoo kale waxa ay sheegeen in deegaanada ay la wareegeen ay gaarayaan ilaa 5 deegaan kuwaas oo horey ay ugu sugnaayeen ururka Al-shabaab.

Mudooyinkii dambe ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay wadeen howlgallo ka dhan ah Al-shabaab, iyadoo maamulka Koonfur Galbeed uu horey ugu dhawaaqay in ay bilaabeen howlgallo Al-shabaab looga saarayo deegaanada ay kaga sugan yihiin Koonfur Galbeed.