Puntland oo heshiis kala dhex-dhigtay maleeshiyo Beeleed dagaalamay

Waxaa Maanta la soo geba-gabeeyay Shirar lagu hehsiisiinayay laba beelood oo dhowr jeer dagaal uu ku dhexmaray degaannada  Saax-maygaag iyo Sangajabiye, kuwaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Guddiga nabadeynta howshan loo xil saaray ayaa Madaxweyne Ku-xigeenka iyo guud ahaanba munaasabadda la wadaagay go’aamada lagu heshiiyay oo faahfaahsan.

Ku-simaha Madaxweynaha Puntland Ahna Madaxweyne ku xigeenka Axmed Cilmi Cismaan, ayaa Munaasabadda kaga dhawaaqay in Dowladdu qaadatay go’aanka guddigu soo saaray, waxa uu sheegay in lagu shaqayn doono, isla markaana ciddii ka hortimaada la iska qaban doono, Dowladd iyo shacabba.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa u mahadceliyay masuuliyiinta kala duwan ee howsha nabadaynta kasoo shaqeeyay sida Isimada,Guddiyada, Ergada laba dhinac iyo Masuuliyiinta kale ee Dowladda.

Shirkaan waxaa ka qayb-galay guddoomiye ku xigeenka kowaad ee baarlamaanka Puntland Abukaate Cabdicasiis Cabdillaahi Cismsan, Isimmo wasiiro ka tirsan dowladda, Nabdoono, Guddiga dhexdhexaadinta, Culimaa’udiin iyo masuuliyiin kale.