Labnaan oo ka hortagtay weerar

Labnaan ayaa ka hortagtay weerar lagu qaadi lahaa meelaha dalxiisayaasha ee dadka ay buuxaan.

Ciidamada ayaa sheegay inay xireen shan qof oo lala xiriiriyay laba weerar oo laga hortagay.

Dowladda Labnaan ayaa ka digtay qatarta kordhaysa, ka dib markii la isku qarxiyay xaafad ay degan yihiin Kiristaanka oo u dhow xudduuda Suuriya. Weerarka oo dhacay Isniintii waxaa ku dhintay shan qof.

Ammaanka Labnaan ayaa waxaa saameeyay dagaalka ka socda Suuriya.