Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa galabta Barnaamijka Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ku tartami doona Degmooyinka Hodan iyo C/casiis oo ka wada tirsan gobolka Banaadir.
Shirkadda Cabitaanada COCA COLA ayaa sanadkan Taaba galineysa Tartanaka Degmooyinka Idaacadda Risaala.
Degmooyinka Hodan iyo C/casiis oo aan goor dhow qadka Telefoonka kula xiriirnay ayaa inoo sheegay in ay diyaar u yihiin galabta in ay ka qeyb qaataan Tartanka degmooyinka Idacaadda Risaala.
Degmooyinka Hodan iyo C/casiis ayaa galabta waxa ay cayaari doonaan kulankooda Saddexaad ee tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala.
Wareega 3-aad ee tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa waxaa horey ugu gudbay Degmooyinka Awdheegle, Dharkeynley, Howlwadaag Waaberi iyo Wadajir waxaana galabta la arki doonaa Degmooyinka Hodan iyo C/casiis midii ugudubta Wareega 3-aad.
Tartanka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa galabta waxa uu bilaaban doonaa saacaddu marka ay tahay 04:00 PM Galabnimo.


