Saraakiil u hadashay ciidamada booliska dalka Kenya ayaa sheegay iney ka hortageen weerar la qorsheynayay in laga geysto magaalada Mombasa ee dalka Kenya.
Ciidamada booliska Kenya ayaa sheegay iney qabteen Maxamed Kombo iyo Maxamed Saalim Maxamed oo qeyb ka ahaa dhalinyaro ka degtay deegaanka Majengo halkaasi oo hub badan lagu soo qabtay bishii lasoo dhaafay.
Taliyaha ciidamada booliska ee gobolka Francis Wanjohi, ayaa sheegay in kooxda laga shakiyay iney xitaa diyaarinayeen goob la doonayay in lagu sameeyo waxyaabaha qarxa oo weerarka loo adeegsanayo.
Taliyaha wuxuu sheegay in kooxda dhalinyarada ah ay wadeen qorshe ay weerar kaga geysanayaan magaalada Mombasa ee dalka Kenya ayna wax ka ogaayeen diyaarinta waxyaabaha qarxa oo la damacsanaa in lagu weeraro magaalada.
Booliska ayaa sheegay in labada ruux ay kamid ahaayeen lix ruux oo aad ay u doon doonayeen ciidamada booliska dalka Kenya kuwaasi oo si qarsoodi ah kusoo galay dalka Soomaaliya si ay weerar kaga geystaan gobolka Xeebta.
Laamaha sirdoonka dalka Kenya ayaa sheegay in labada ruux ee laga shakiyay ay qorsheynayeen weerar ay ka geystaan magaalada Mombasa ee dalka Kenya waxaana sidoo kale la aamisan yahay iney weeraro kaga geysteen Lamu iyo Mombasa.
Ciidamada Kenya ayaa sheegay in Tallaadadii lasoo dhaafay ay dileen afar kamid ah ciidamada Alshabaab kadib howlgal ciidamada ay ka sameeyeen gobolka Lamu.


