Shil gaari oo sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, kadib markii labo gaari ay isku dhaceen, sida dadka deegaanka ay xaqiijiyeen.
Mid kamid ah dadka goobjoogayaasha ah ayaa Idaacadda Risaala u sheegtay in seddex ruux ay ku dhinteen kuwo kalana ku dhaawacmeen shilka gaari ee ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.
Shilka wuxuu ka dambeeyay markii gaari ka baxay magaalada Muqdisho iyo gaari kasoo baxay dhanka degmada Afgooye ay ku kulmeen halka loo yaqaano Goolada SOS, sida goobjoogaha ay inoo sheegtay.
Qaar kamid ah dadka saarnaa gaadiidka oo dhaawacyo ay soo gaareen ayaa la dhigay xarumaha caafimaadka.


