Antoine Griezmann ayaa soo afjaray wararka ku wareegsan mustaqbalkiisa isagoo u saxiixay heshiis shan sanno ah oo cusub kooxda Atletico Madrid.
Xiddiga reer France ayaa lala xiriirinayay inuu ka dhaqaaqayo caasimada Spain xagaagan, ka dib markii uu dhaliyay 32 gool tartamada oo dhan xilli ciyaareedkii hore.
Laakiin Griezmann ayaa haatan go’aansaday inuu ku go’aamiyo mustaqbalkiisa markii uu ugu duugay heshiis cusub qqalinka kooxdan ku ciyaaarta garoonka Vicente Calderon oo uu la joogi doono ilaa 2021.
Aad ayaan ugu faraxsanahay Griezmann u sheegay website-ka rasmiga ee Atletico: “aad ayaan ugu qanacsanahay koxdeyda, waxaan markasta doonayay in aan sii ahaado halkaan.
“Waxaan doonayaa in aan sanad kasta guul la gaaro kooxdeyda, kooxda, tababarayaasha iyo asxaabteyda oo dhan waan kaga mahadcelinayaan qaabka ay ii jecelyihin markasta.”
Griezmann, oo 25 jir ah, ayaa carabka ku adkeeyay muhiimadda ay u laheyd Atletico inuu heer wanaagsan ka gaaro kubadda cagta, waxaana uu aad u amaanay tababare Diego Simeone.
weeraryahanka France, ayaa bartilmaameed xoogan u ahaa kooxaha Chelsea, Barcelona, Real Madrid iyo PSG.



