DHAGEYSO: C/samad Galan “Gaari dagaal ayaan ka gubnay Puntland”

Bari-RisaalaFM- Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad maxamed Galan oo wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Risaala ayaa waxa uu ka hadlay sababaha ay uga soo horjeedaan maamulka Puntland iyo dagaal maanta ay la galeen ciidanka Puntland.

C/samad maxamed Galan oo ku sugan deegaan duleedka ka ah degmada Carmo oo ka tirsan gobolka Bari ayaa isaga oo wata ciidan islamarkaan udiyaarsan dagaal ka dhan ah maamulka Puntland waxa uu sheegay in uu ka soo horjeedo siyaasada C/wali Gaas uu ka wado Puntland.

Waxa uu sheegay C/samad maxamed Galan in maanta ay weerar ku soo qaadeen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland isagoo tilmaamay in ay ka gubeen ciidanka Puntland Hal Gaari sidoo kalena ay dagaalkaasi ku dhaawaceen ciidamo ka tirsan maamulka Puntland.

Dhanka kale War qoraal ah oo ka soo baxay maanta Xafiiska Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan Soocadde, ayaa lagu sheegay in lagu amrayo dhamaan Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland in aysan wareysan karin C/samad Galan oo horey u ahaa Gudoomiyaha gobolka Bari.

Arintan ayaa ka dambeysay, kadib markii qaar ka tirsan Warbaahinta ka howlgasha deegaanada Puntland Wareysi ay ka qaadeen Gudoomiyihii hore ee gobolka Bari C/samad Maxamed Galan oo ah shaqsi ka soo horjeeda Puntland.

Ciidamo ka tirsan maamulka Puntland ayaa maanta waxa ay howlgallo culus ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Bari, waxaana Saraakiisha howlgaladaasi hogaamineysa ay sheegeen in ujeedka howlgalka uu yahay sidii ciidamada maamulka Puntland ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen C/samad Galan iyo ciidamada uu hogaamiyo ee ku sugan deegaano ka tirsan gobolka Bari.