DHAGEYSO: Donald Trump “Soomaali badan ayaa ku biirtay Daacish”

Mareykanka-RisaalaFM- Ninka la filaayo in uu noqdo Musharaxa Xisbiga Jamhuuriga dalka Mareykanka ee Donald Trump ayaa mar kale weeraray dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi.

Mr Trump waxa uu tilmaamay dadkii ka dambeeyay weeraradii ka dhacay Boston iyo San Bernandino in ay ahaayeen dad magan galyo doon ah oo dalka Mareykanka u tagay in ay ku noolaadaan, balse ficilkaasi ay geysteen.

Waxa uu soo hadal qaaday dadka Soomaalida ah ee ku nool dalka Mareykanka , isaga oo sheegay tiradii ugu badneyd ee dad Soomaali ah in ay ku biireen Kooxda Daacish ee dalalka Syria iyo Ciraaq ka dagaalanta.

Taageerayaashiisa ayaa waxa uu u sheegay in dadka Muslimiinta halis badan ay ku hayaan amaanka dalka Mareykanka, sidaasi awgeedna ay muhiim tahay in laga hortago.

Ninkaan hadalada aanan la gamban ayaa dhowr mar cadeeyay fekerkiisa ku aadan dadka Muslimiinta ah, iyadoo aysan aad u jecleyn dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalkaasi Mareykanka.