Tiyeeglow-RisaalaFM- Taliyaha ciidamada gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed Maxamed Sheekh C/laahi ayaa ciidamada maamulka Koonfur Galbeed waxa uu kula dardaarmay in ay ushaqeeyaan shacabka ku nool Koonfur Galbeed gaar ahaan kuwa degmada Tiyeeglow.
Waxaana uu sheegay in hada ay muuqato guulo ay gaareen ciidamada dowladda iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed shacabkana ay mar walba utaagan yihiin sidii ay ucaawin lahaayeen ciidamada amaanka.
Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa maamulka Koonfur Galbeed laga doonayo in ay sugaan amaanka degmada Tiyeeglow sidoo kalena Taliyaha ayaa ciidamada ku amray in ay furaan wadooyinka soo gala degmada Tiyeeglow.
Waxa uu sheegay in Askari kasta oo ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed uu heli doono xuquuqda uu leeyahay.
Ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay deegaanada Koonfur Galbeed ka wadeen howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab.


