Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Dilkii Dhudi Yuusuf

Garowe-RisaalaFM- Madaxweynaha maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in dilkii xalay loo geystay Gudoomiyihii ururka Haweenka gobolka Mudug ay ka dambeeyeen ururka Al-shabaab.

Waxa uu madaxweynuhu si rasmi ah u amray ciidamada amaanka in ay xooga saaran sidii ay u soo qaban lahaayeen ragii dilka u geystay Allaha u naxariistee Gudoomiyihii Ururka Haweenka gobolka Mudug Dhudi Yuusuf.

C/wali Gaas waxa kale oo uu Tacsi u diray Eheladii, Qaraabadii iyo dhamaan umadii ay ka geeryootay marwo Dhudi Yuusuf Aadan oo ay xalay koox hubeysani ku dileen gudaha magaalada Gaalkacyo.

Madaxweyne Gaas ayaa hadalkan ka sheegay xilli maanta soo dhaweyn loogu sameeyay magaalada Garoowe Caasimadda Puntland halkaas oo uu kaga soo amba baxay magaalada Boosaaso.