Ciidamada Liyuu Boolis oo 40 Ruux ku dilay Degmada Gaashaamo

Togdheer-RisaalaFM- Wararka naga soo gaaraya deegaanada Jamac Dubad oo ka tirsan gobolka Togdheer ayaa sheegaya in ciidanka Liyuu Booliis ay halkaas ku dileen ku dhawaad 40 qof oo shacab ah sida ay warbaahinta u sheegeen dadka deegaanka.

Tuulada Jaamac Dubad oo hoostagta degmada Gaashaamo oo qiyaas ahaan 220 km u jirta Gobolka Togdheer ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay Ciidamo ka tirsan Liyu Police ay weerar xoogan ku qaadeen dad shacab ah oo ku sugnaa Tuuladaasi.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in dadka la dilay badankood ay isku jiraan caruur ,haween iyo dad waayeel ah.