Muqdisho-RisaalaFM- Waxaa maanta xarunta dhexe ee Idaacadda Risaala si rasmi ah uga furmay tartanka degmooyinka oo Idaacadda sanadkan ay qabatay, waxaana tartanka maalgalineysa oo abaalmarina qaali ah ku bixineysa shirkadda Cabitaanada COCA COLA.
Tartanka ayaa ka qeyb galaya 16 degmo kuwaas oo 2 kamid ah ay ka socdaan gobolka Shabeelaha Hoose halka 14-ka kalena ay ka socdaan gobolka Banaadir.
Agaasimaha Guud ee Idaacadda Risaala Al-Ustaad Maxamed C/wahaab C/laahi oo furitaanka tartanka ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in degmadii ku guuleysata tartankan abaalmarinteeda ay heli doonto ciida ka hor.
Galabta waxaa tartanka lagu furay oo wada bartamay degmooyinka Awdhiigle iyo Afgooye oo Labaduba kuwada yaala gobolka Shabeelaha Hoose.
Labada degmo ayaa sida caadada aheyd waxaa degmo kasta la weydiiyay 6 su’aal, waxaana maanta 3-dii dhibcood ee ugu horeysay tartanka la tagay degmada Awdhiigle oo keensatay 6 dhibcood halka degmada Afgooye dhankeeda ay la timid 5 dhibcood.
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar oo ka mid ah Gudiga Tartan Aqooneedka Degmooyinka Idaacadda Risaala ayaa ugu dambeyn waxa uu ku dhawaaqay natiijada taranka.
Maalinta beri ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 07-06-16 hadii uu Alle idmo ayaa waxaa wada bartami doona degmooyinka Warta-nabadda iyo Dharkiinley oo isla Group-ka A ku jira.


